Heshiis ku aaddan nukliyeerka oo la gaaray

0
363

Wararka naga soo gaaraya dalka Iiraan ayaa sheegaya in halkaasi ay heshiis ku wada saxiixdeen madaxa hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan la tacaalidda isticmaalka hubka atoomikada Rafael Grossi iyo Maxamad Eslami oo barnaamijkan madax uga ah xukuumadda Tehraan.
Wada-hadallada arrinkan ku aaddan ayaa la filayaa inay sii socdaan dabayaaqada bishan.
Mas’uuliyiinta ayaa kulankooda iyo is-afgaradka la gaaray ku tilmaamay wax ku ool.