Ruto “Qorshahayga dhaqaale waxaa uu hodon ka dhigayaa Kenyaanka”

0
364

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa sheegay in qorshihiisa siyaasadeed ee ku saleysan in kobcinta dhaqaalaha laga soo billaabo meel hoose uu kenyaan badan ka saari doono nolosha saboolnimada ee ay hadda ku jiraan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dowladda dhexe iyadoo nidaamkan adeegsanaysa ay diiradda saari doonto baahiyaha kenyaanka caadiga ah marka la barbardhigo danaha madaxda.
Dr Ruto ayaa xusay in hannaanka dhaqaale ee dalka uunan u wanaagsanayn ganacsatada yaryar ee si wayn uga qayb qaato kobcintiisa.
Madaxweyne ku xigeenka dalka waxaa uu sheegay in la joogo xilligii wadanka laga badbaadin lahaa sida uu hadalka u dhigay madaxda daneystayaasha ah oo dib loo eegi lahaa danaha rayidka.
Waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay in ganacsatada yaryar ay maalinkii bixiyaan dulsaar dhan boqolkiiba 10 halka shirkadaha waawayn sanadkii laga qaado keliya boqolkiiba 14.
Sidoo kale waxaa uu shaaciyay inuu qorsheynayo in hadii uu hoggaanka dalka qabto sanadka 2022-ka uu sanad kasta taageeridda ganacsatada yaryar u qoondeyn doono 30 bilyan oo shilin.
Arrimahan ayuu Ruto ka hadlay xilli uu shalay hooygiisa rasmiga ee xaafadda Karen kulan wada tashi ah kula yeeshay dhallinyarada.