Eedeysane ka dambeeyay dilka saddex qof oo gacanta lagu dhigay

0
488

Saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa gacanta ku dhigay eedeysanaha ugu muhiimsan ee ka dambeeya dilka saddex qof.
Waxaa lagu soo warramayaa in ay tuhmanuhu soo qabteen dambi baarayaasha qaabilsan adeegga gaarka ah ee SSU.
Dilalkan ayuu ka gaystay tuulada Junju B ee ismaamulka Kilifi bishii Toddobaad ee sanadkan.
Waaxda DCI-da ayaa magaca eedeysanaha la xiray ku sheegtay Robert Mganga oo laga soo qabtay hooygiisa oo ku yaalla aagga Tassia ee xaafadda Fedha ee magaalada Nairobi oo uu ku dhuumaaleeysanayay.
Saraakiisha ammaanka ayaa rumeysan in Mganga, uu ka dambeeya ama isku dubariday dilka saddex qof oo kala ahaa nin ganacsade ah sidoo kalena ahaa beeraley oo lagu magacaabi jiray Sidiiq Anverali Maxamad oo ay da’aadiisu ahayd 46 sano jir, James Kazungu Kafani oo ahaa wakiil dhul oo ku jiray da’ada 50-ka iyo nin la aqoon saday inuu asal ahaan ka soo jeeda dalka India oo la rumeysan yahay inuu ahaa darawalka Sidiiq.
13-kii bishii Toddobaad ee sanadkan ayaa dilka saddex qof loo xiray 13 tuhmane, oo uu ku jiro wakiil deegaan hoose islamarkaana maxkamad ay ka soo hormuuqdeen si ay uga jawaabaan dacwaddda ah inay lug ku lahayeen dilka saddexda qof.