Ruto “Kenyaanka wey lumiyeen kalsoonidii ay ku qabeen mucaaradka”

0
481

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa sheegay in shacabka Kenyaanka ay kalsoonidii kala noqdeen mucaaradka.
Waxaa uu sheegay in markii hoggaamiyaasha mucaaradka ay fursad u heleen in ay carqaladeeyaan qorshayaashi horumarineed ee xisbiga talada haya ee Jubilee, islamarkaana ay muujiyeen shaki la’aan in aysan lahayn awood, rabitaan ama qorshe ay ku hormariyaan dalka.
Dr Ruto ayaa sheegay in dadweynaha kenyaanka aysan cafin doonin siyaasiyintii mucaaradka ee carqaladeeyay fulinta qorsheyaashi horumarineed uu xisbiga Jubilee uu u ballanqaaday shacabka.
Ku xigeenku madaxweynaha dalka ayaa xusay in mucaaradku aysan fursad u haysan inay hoggaamiyaan dalka maadaama aysan haysan wax horumar ah oo ay ku faanaan inkastoo ay dhowr sano dowladda la soo shaqeeyeen.
Dr Ruto ayaa sheegay in hogaamiyayaasha mucaaradka ay iska lumiyeen fursaddii ay ku soo bandhigi lahaayeen kartidooda hoggaamineed ka dib heshiiskii taarikhiga ahaa bishii Saddexaad ee sanadkii 2018-kii ay wada gareen madaxweynaha dalka iyo hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga.
Waxaa uu xusay in mucaaradka ay mudnaanta siiyeen danahooda gaarka ah, waa sida uu hadalka u dhigay ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa sheegay inuu xoogga saaraya isu keenida hoggaamiyeyaasha si ay uga caawiyaan qorshihiisa siyaasadeed ee ku saleysan in kobcinta dhaqaalaha meel hoose laga soo bilaabo uu ku kicinaya dareenka danyarta.
William Ruto ayaa ka codsaday dadka asaga dhaleeceynaya in aysan fududeysan siyaasadiisa gaari gacanka, isagoo sheegay inuu matalaya muwaadiniinta caadiga ah.