DHAGEYSO:Aadan Barre oo soo jeediyay in aan madaxda lagu soo dooran qabiil

0
580

Xildhibaanka deegaanka Garissa Township horayna u soo noqday hoggaamiyihii aqlabiyadda baarlamaanka wadanka Aadan Barre Ducaale ayaa bulshada xoolo dhaqatada ah kula taliyay inay ka tanaasulaan qaabka qabyaaladda ku saleysan ee ay siyaasiyiinta ku soo doortaan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay lagama maarmaan tahay in gorgortanka siyaasadeed uu noqdo mid ku dhisan danta guud ee shacabka.
Aadan Barre ayaa ka soo horjeestay xisbi lagu magacaabo UPYA oo ay dhawaan shaaca ka qaadeen qaar ka mid ah hoggaamiyaasha reer guuraaga.
Waxaa uu ballanqaaday in xita madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo ay saaxiibo dhow yihiin kala xaajoon doonaan fulinta danaha xoolo dhaqatada ay soomaalidu ka mid tahay.
Hoggaamiyihii hore ee baarlamaanka dalka oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Star ayaa ku celceliyay in siyaasaddu aynan ku dhisnayn saaxibtinimo iyo kal-gacayl balse daneysi sidaas awgeedna heshiis kasta loo baahan yahay in lagu qiimeeyo faa’iidada ugu jirta gobolka

Waxaa uu sidoo kale ka hadlay abaarta ka jirto wadanka isagoo su’aal geliyay qaabka loo adeegsado dhaqaalaha ismaamullada ay ka helaan dowladda dhexe ee loogu talagalay maareynta xaaladaha degdegga ah.