Mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka galbeedka Wajeer Axmad Qaloosh ayaa guddoomiyaha ismaamulkaasi Axmad Cali Mukhtaar iyo ku xigeenkiisa Haashim Muuse Yuusuf oo shalay la dhaariyay ku boorriyay inay diirradda saaraan midnimada dhanka maamulka.
Mr. Axmad ayaa madaxda iyo shacabka Wajeer ka codsaday inay ka wada shaqeyaan danta guud.
Waxaa uu tilmaamay in aan loo baahneyn in siyaasaddu ay noqoto mid ku saleysan qabiil ama u daneynta deegaan gaar ah.
Dhanka kale waxaa uu wacad ku maray inuunan ka qayb geli doonin kulan siyaasadeed oo uu hor kacaya wasiirka maaliyadda Ukur Yattani.
Dhawaan ayay ahayd markii qaar ka mid ah siyaasiyiinta ismaamullada xoolo dhaqatada ay aasaaseen urur loogu magacdaray UPYA hasa ahaate xildhibaanka ayaa sheegaya in ay gorgortan siyaasadeed la gelayaan keliya cidda u taagan horumarinta danaha shacabka ay matalaan.