Qaramada midoobay oo walaac ka muujisay xaaladda dhaqaale ee Afghanistan

0
337

Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa ka digtay in dalka Afghanistan uu qarka u saaran yahay burbur dhaqaale haddii beesha caalamka aynan qaadin tallaabooyin degdeg ah.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ku dhawaad 10 bilyan oo doolar oo ah hantida taallada bangiga dhexe ee wadankaasi ay tahay mid xannibaad la saaray.
Ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan Afghanistan Deborah Lyons ayaa golaha ammaanka u sheegtay in loo baahan yahay in lala yimaado qorsho istaraatiiji ah oo dhaqaale loogu deeqi karo wadankaasi.