Ka dib markii shalay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu ku dhawaaqay in abaarta saameysay qeybo ka mid ah wadanka ay tahay musiibo qaran ayaa waxaa arrinkaasi soo dhaweeyay Maxamad Cabdinuur Daayow oo khibrad u leh maareynta musiibooyinka ay abaartu ka mid tahay.
Waxaa uu madaxda ismaamullada xoolo dhaqatada ee ay soo gaartay saameynta ugu daran ee abaarta u soo jeediyay inay dhaqangeliyaan hadalka ka soo baxay hoggaamiyaha dalka oo ay u gargaaraan bulshada dhibaateysan.
Dowlad deegaanada ay ka jirto xaalad adag oo ka dhalatay abaarta waxaa ka mid ah kuwa gobolka waqooyi bari ee Garissa, Wajeer iyo Mandera.