Waxaa maanta xilka guddoomiye ku xigeenka ismaamulka Wajeer loo dhaariyay Haashim Muuse Yuusuf oo horraantii bishii siddeedaad uu soo magacaabay barasaabka dowlad deegaankaasi Axmad Cali Mukhtaar.
Mr. Haashim oo takhasus ahaan macallin ah ayaa ku dhaartay inuu si daacadnimo ay ku dheehan tahay ugu adeegi doonto bulshada
Guddoomiye ku xigeenka oo ka hor inta aan jagadan loo magacaabin ahaa maamulaha dugsiga sare ee Axmad Liibaan ee Wajeer ayaa ballanqaaday inuu si dhow ula shaqeyn doono barasaabka hadda xilka haya.
Waxaa uu sheegay in keliya uunan ku dadaali doonin dhaqangelinta waxyaabaha ay ka rajeynayaan shacabka Wajeer balse uu juhdi dheeraad ah gelin doono u adeegidda dadweynaha.
Tani ayaa timid ka dib markii wakiillada golaha hoose ee Wajeer ay horay u turxaan bixiyeen sidoo kalena ansaxiyeen magaca Haashim.
Xilka barasaab ku xigeenka Wajeer ee uu mas’uulkan maanta buuxiyay ayaa bannanaaday ka dib markii Axmad Cali Mukhtaar oo hayay bishii shanaad laga dhigay guddoomiyaha Wajeer , tallaabadaasi oo ka dhalatay xil ka qaadistii Maxamad Cabdi Maxamuud.
Xafladda dhaarinta ee guddoomiye ku xigeenka Wajeer ee maanta dhacday ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin kala duwan.
Dhawaan ayay ahayd markii barasaabkii xilka laga xayuubiyay ee ismaamulkaas Maxamad Cabdi Maxamuud lagu eedeyay inuu si awood ah gudaha ugu galay xafiiski guddoomiyaha isagoo sheegaya inuu weli Wajeer hoggaamiyo.