Waxaa uu qorshuhu yahay in maanta xilkiisa loo dhaariyo guddoomiye ku xigeenka cusub ee ismaamulka Wajeer Haashim Muuse Yuusuf oo horraantii bishii siddeedaad uu soo magacaabay barasaabka dowlad deegaankaasi Axmad Cali Mukhtaar.
Wakiillada golaha hoose ee Wajeer ayaa ansaxiyay magaca Haashim oo uu takhasuskiisu yahay macallinimo hasa ahaate waxaa dib loo dhigay dhaarintiisa oo maanta dhici doonto.
Hoggaamiyaha ismaamulka Wajeer Axmad Cali Mukhtaar ayaa qoraal uu xalay fiidkii soo dhigay bartiisa rasmiga ee Facebook-ga, dadweynaha ugu baaqay inay ka soo qayb galaan xafladda dhaarinta Haashim.
Hasa ahaate waxaa uu ku boorriyay inay si buuxda ugu hoggaansamaan xeerarka lagu xakameynaya faafidda cudurka COVID19.
Sidoo kale waxaa uu qorshuhu yahay in xarunta ICT Hall ee magaalada Wajeer uu barasaabka ismaamulkaasi ku soo bandhigo warbixin ku saabsan waxyaabihii u qabsoomay 100 cisho oo uu xafiiska joogay.