Wakiilka laga soo doortay deegaanka hoose ee Dadajabula ee ismaamulka Wajeer Aadan Buunow Xuseen ayaa ka hadlay tallaabo shalay la sheegay in barasaabkii hore ee dowlad deegaankaasi Maxamad Cabdi Maxamuud uu si awood ah ugu galay xafiiska guddoomiyaha.
Waxaa uu xusay in arrinkaasi aan loo baahneyn oo ay lagama maarmaan tahay in dastuurka loo wada hoggaansamo.
Wakiilka Dadajabula ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in ciidamada ammaanka ay qaadi doonaan tallaabo degdeg ah oo ay kaga falcelinayaan burbur uu guddoomiyaha hadda talada haya ee Wajeer Axmad Cali Mukhtaar sheegay in shalay xafiiskiisa la gaarsiiyay