Howlgal Beledweyne laga sameeyay oo dad lagu xir xiray

0
574

Ciidamada Booliska Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Hir-Shabeelle ayaa waxaay Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan xalay ku xireen Saddex dhalinyaro ah oo si aad ah Magaaladaas looga yaqaanay.
Warbahainta gudaha ayaa sheegaysa in Dhalinyarada la xiray ay shalay Beledweyne uga qyeb galeen shir Beeleed looga hadlayay arrimaha Gobolka Hiiraan, waxaana dhalinyarada oo haweeneey ku jirto ay xalay ku hoyden Saldhiga Booliska Beledweyne
Laamaha ammaanka Magaalada Beledweyne weli wax faah faahin ah kama bixin sababaha keenay in dhalinyaradaas la xiro, hayeeshee dadka Beledweyne qaarkood waxaay sheegeen inay sabab u tahay ka qeyb-galka shirkii ka dhacay Beledweyne oo uusan Maamulka waxba kala socon.
Ciidamada Booliska Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa horay waxaay u xir xireen dad isugu jira dhalinyaro iyo shaqsiyaad kale kuwaasoo taageero u muujiyay Jabhadda Janeraal Xuud oo kasoo horjeeda habka loo dhisay Maamulka Cusub ee Hir-Shabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here