Ururrada wadayaasha gawaarida xamuulka ee Kenya iyo Koonfurta Suudan oo cambaareeyay dil dhawaan darawaliin loo gaystay

0
795

Ururka ay ku bahoobeen wadayaasha gawaarida xamuulka qaada ee goobaha fog aada ee dalka iyo dhiggoda gaadiidka xamuulka ee Koonfurta Suudaan ayaa cambaareeyay dil dhawaan darawaliin loogu gaystay dalka Koonfurta Suudaan.
Darawaliinta la dilay ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeday Kenya.
Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sheegay in, in ka badan 20 darawaliin la dilay iyagoo agab kala duwan u safrinayay dalka Suudaanta Koonfureed.
Guddoomiyaha ururka wadayaasha gawaarida xamuulka ee goobaha fog aada ee dalka, Nicholas Mbugua ayaa sheegay in dilalkii dhawaan la gaystay ay sababeen ismariwaa, islamarkaana boqolaal baabuur oo xamuul ah ku hakadeen xadka labada waddan ee Kenya ee Suudaan.
Waxaa uu ku boorriyay wadayaasha gawaarida xamuulka qaada ee dalka inay dib u billaabaan safarradooda, isagoo sheegay in mas’uuliyiinta Koonfurta Suudaan ay u xaqiijisay in ammaanka la adkeeyay oo ciidamo boolis ah la geeyay waddoyinka isku xiro laba dal.
Dowladda Koonfurta Suudaan ayaa dhankeeda ballan qaaday inay ilaalineyso badqabka darawallada Kenya ee ku sugan dhulkooda, waxayna wadayaasha ku boorrisay inay dib u billaabaan howlahooda.