Ciidamada booliska ee wadanka Tanzania ayaa sheegay in ay soo qabteen laba ka mid maxaabiis si xoog ah uga baxsaday xabsiga Maturubai ee caasimadda Dare-salaam 4-tii bishaan, ka dib markii ay jireen askarigi ilaalada ka hayay xabsigaasi .
Maxaabiista ku jiray xabsiga oo gaaraya ilaa 81 ayay warar is khilaafsan ka soo baxayaan, iyadoo aan la xaqiijin karin tirada maxaabiista ee saldhiggaasi ka baxsatay.
Hasa ahaate ciidamada booliska ee Tanzania ayaa xaqijiyay in kaliya 16 maxaabiis ah ay ka baxsadeen saldhigga ay ku xirnayeen kuwaas oo laba ka mida ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen.
Taliyaha booliska deegaanka Maturubai Daniel Shila ayaa xusay in ay wadaan baaritaano lagu baadi goobayo maxaabiista baxsadka ah kuwaas oo uu sheegay in ay yihiin eedaysanayaal lagu soo oogay dambiyo fudfudud oo ay ka mid tahay isticmaalka maandooriyaha.
Ilaa iyo haatan ma cadda sababta dhabta ah ee maxaabiista u sahashay in ay ka baxsadaan xabsigaasi in kasta oo dadka deegaanka ay dhankooda sheegeen in xabsigani uu yahay mid aad ciriiri u ah.