Waxaa ismaamulka Wajeer ee gobolka waqooyi bari gaaray Maxamad Cabdi Maxamuud oo horay u hoggaamin jiray dowlad deegaankaasi ka hor inta aan xilka laga xayuubin.
Bishii Shanaad ee sanadkan ayay ahayd markii wakiillada golaha hoose ee Wajeer ay xil ka qaadis ku sameyeen Maxamad Cabdi oo ay ku eedeyeen maamul xumo.
Waxaa xigay in aqalka sare uu ayiday go’aankaasi taasoo horseeday in xilka guddoomiyaha Wajeer loo dhaariyo Axmad Cali Mukhtaar oo ku xigeen ku ahaa.
Hasa ahaate Maxamad Cabdi oo aan tallaabadaasi ku qancin ayaa maxkamadda geeyay dacwad aan weli si rasmi ah loo soo gabagabeyn.
Xilli uu maanta dadweynaha kula hadlay magaalada Wajeer ayuu sheegay inuu weli xafiiska joogo oo uu gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah.
Waxaa uu tilmaamay in wixii isqabqabsi siyaasadeed ah ay waaxda garsoorka go’aan ka soo saareyso balse uu barasaabka hadda xilka haya u aqoonsan yahay inuu weli ku xigeen u yahay.
Sidoo kale waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay tallaabadii lagu soo magacaabay sidoo kalena lagu ansaxiyay in Haashim Muuse Yuusuf uu noqdo barasaab ku xigeenka Wajeer.
Maxamad Cabdi ayaa carrabka ku adkeeyay in ismaamulka Wajeer aynan dhibaato dhanka hoggaanka ah ka jirin.
Waxaa sidoo kale halkaasi hadal kooban ka jeediyay xildhibaanka deegaanka bariga Wajeer Rashiid Qaasim Aamin oo ammaanay sida dastuurka dalka uu u kala caddeeyay shaqooyinka golaha fulinta, baarlamaanka iyo garsoorka.