Madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ka dalbaday inuu xafiiska banneeyo hadii uunan ku qanacsanayn ka mid ahaanshaha maamulka talada haya ee Jubilee.
Mr.Mudavadi ayaa xusay in haddii Ruto uunan kalsooni ku qabin madaxweynaha uu haysto fursad uu xisbi kale ku soo dhisi karo.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay madaxweynihii hore ee dalka Mwai Kibaki oo uu sheegay in xilli uu ku xigeen u ahaa Daniel Arap Moi uu is casilay ka dibna aasaasay xisbi cusub .
Madaxa ANC ayaa tilmaamay in William Ruto uunan marnaba mucaaradi karin dowlad uu ka tirsan yahay , mushaar ka qaato , dhaqaalaheeda isticmaalo sidoo kalena ciidamadeeda ay ilaaliyaan.
Dhanka kale ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee dalka oo u warramay idaacadda Inooro ayaa ka hadlay dhacdo maalmo ka hor dhagaxaan lagu tuuray kolonyo baabuur ah oo uu la socday ku xigeenka madaxweynaha William Ruto xilli uu tagay ismaamulka Nyeri.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay inay aad muhiim u tahay in siyaasiyiinta ay ixtiraam muujiyaan oo musharrax kasta ismaamulka uu olole siyaasadeed ka sameynaya ku wargeliyo madaxda halkaasi laga soo doortay