DHAGEYSO:Wakiilka haweenka ee Tharaka Nithi oo u jawaabtay Raphael Tuju

0
640

Wakiilka haweenka ee ismaamulka Tharaka Nithi Beatrice Nkatha ayaa ka falcelisay eedeyn uu shalay xoghayaha guud ee xisbiga Jubilee Mr. Raphael Tuju u jeediyay madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Tuju ayaa sheegay in Ruto laga doonayo inuu kenyaanka faahfaahin ka siiyo sida hantidiisa oo toddobo sano ka hor uu ku sheegay 100 milyan ay hadda ku tahay ballaayiin shilin.
Hasa ahaate Mrs. Nkatha ayaa carrabka ku adkeysay in xoghahaya guud ee Jubilee uunan ahayn garsoore kala xukminaya qofka hantida uu leeyahay soo dhacay iyo midka u shaqeystay.
Sidoo kale waxay ku andacoonaysa in madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto uu xoghayaha Jubilee u raadiyay jagadda uu hadda hayo balse uu wax ka yar sanad ka hor doorashada guud muujinaya inuusan abaal u hayn.
Haweeneydan ayaa xustay inaysan jirin jago uu Ruto iska casilaya maadaama aynan cidna shaqaaleysiin balse ay kenyaanka hal mar ah u wada codeyeen isaga iyo madaxweynaha dalka.
Waxay su’aal gelisay sababta keentay in laga hadlo hantida William Ruto markii uu shaaciyay inuu sanadka 2022-ka u tartami doono hoggaanka wadanka iyadoo wacad ku martay inay sii wadi doonto taagerada siyaasadeed ee ay u hayso madaxweyne ku xigeenka wadanka.