Baarlamaanka Sri Lanka oo ansaxiyay xaalad degdeg ah

0
467

Golaha qaran ee xeer dejinta dalka Sri Lanka ayaa ansaxiyay amar la xiriira xaalad degdeg ah oo lagu dhawaaqay.
Waxaa ansaxinta xaaladda degdegga ee Sri Lanka u codeeyay 132 xildhibaan halka 51 ay ka soo horjeesteen sidaasi ayuuna ku dhaqan galay.
30-kii bishii siddeedaad ee sanadkan ayay ahayd markii uu amarkan soo saaray madaxweynaha wadankaasi Gotabaya Rajapaksa .
Hoggaamiyaha Sri Lanka ayaa sheegay inay lagama maarmaan noqotay inuu xaalad degdeg ah ku dhawaaqo si loo xakameeyo qiimaha cunnooyinka sidoo kalena looga hor tago in ganacsatada ay bakhaarrada ku keydsadaan cuntada noocyadeeda kala duwan maadaama uu gaabad jiro.
Amarka madaxweynaha ayaa saraakiisha ammaanka u suurtagelinaya inay dhismooyinka baaraan oo ay dadka ay ka shakiyaan xiraan iyagoo aan warqad waaran ah sidan.