Wasiiirka wasaaradda dowlad wadaajinta ee dalka Mr. Eugene Wamalwa oo shalay gaaray ismaamulka Garissa ee gobolka waqooyi bari ayaa sheegay in maamulka talada haya ee Jubilee uu ku dadaalaya sidii loo badbaadin lahaa nolosha ugu yaraan 2 milyan oo kenyaan ah oo ay saameyn ballaaran ku yeelatay abaarta.
Dadkan ayaa ku nool 10 ka mid ah ismaamullada wadanka.
Wasiirka ayaa xusay in kastoo xaalad adag ay jirto haddana la maareynaya oo aynan weli faraha ka bixin.
Mr.Wamalwa waxaa uu carrabka ku adkeeyay in diiradda la saaraya sidii biyo loo gaarsiin lahaa deegaanada uu oomanaha ka jiro.
Sidoo kale waxaa uu cadeeyay in ilaa iyo hadda aynan jirin wax dhimasho aadane oo ka dhalatay abaarta.
Waxaa uu wasiirka dowlad wadaajinta shaaciyay in dowladda dhexe ay ilaa iyo hadda bixisay 1.117 bilyan oo shilin si gargaar loogu fidiyo qoysaska nugul ee ay abaartu saameysay ee ku nool ismaamullada Garissa, Wajeer, Mandera iyo Isiolo.
Waxaa uu intaa ku daray in labada toddobaad ee soo socoto gudahood la soo saari doono 558 milyan oo dheeeraad ah oo loo adeegsan doono howlaha gurmadka ee ka dhanka ah abaarta.
Dowladda dhexe ayaa iyadoo kaashanaysa Midowga Yurub waxay ismaamulladan siinaysa 500 oo milyan oo shilin oo dheeraad ah.