Qarax khasaare gaystay oo ka dhacay Pakistan

0
392

Qof isa soo miidaamiyay ayaa lagu soo warramayaa inuu isku qarxiyay meel u dhow bar-kontrool oo ku taalla koonfurta galbeed ee dalka Pakistan halkaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan saddex sarkaal .
Waxaa falkaasi ku dhaawacmay 15 qof oo dheeraad ah.
Sarkaal sare oo boolis ah laguna magacaabo Azhar Akram ayaa laga soo xigtay in qaraxa uu ka dhacay meel masaafo dhan 25 kiilomitir dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Quetta, ee caasimadda gobolka Balochistan .
Qofka weerarka gaystay ayaa adeegsanayay mooto sidday ilaa 6 kiilogaraam oo ah waxyaabaha qarxa waxaana lala eegtay mid ka mid kolonyo baabuur ah.
Mas’uuliyadda qaraxa waxaa sheegtay garabka kooxda Taalibaan ee dalka Pakistan ee TTP waxaana qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka ku cambaareeyay ra’iisul wasaaraha wadankaasi Imran Khan.