Madaxweynaha dalka oo guddoomin doona shir madaxeedka ugu horreeya ee dalalka Caribbean-ka iyo Afrika

0
441

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa inuu guddoomiyo shir weynaha ugu horreeya ee dalalka la isku yiraahdo Caribbean-ka iyo wadamada qaaradda Afrika.
Shirka ayaa dhici doona 7-da bishan oo ku beegan maalinka Talaadada.
Waxaa shirka looga doodi doonaa ganacsiga, isweydaarsiga dhaqammada iyo wax ka qabashada aafada COVID19.
Sida laga soo xigtay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka waxaa lagu wadaa inay shirka ka soo qayb galaan madaxda dowladaha Afrika iyo hoggaamiyaasha wadamada ku teedsan badda Caribbean-ka iyo wakiillo ka socda ururrada dhaqaalaha ee gobolka.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee wadanka ayaa sidoo kale sheegtay in mowduuca shir madaxeedka uu noqon doono midnimada dhammaan qaaradaha iyo badaha iyo fursadaha lagu xoojinayo is dhexgalka.
Shir madaxeedka ayaa la doonayaa inuu sare u qaado iskaashiga dhow ee u dhexeeya qurba joogta Afrika, dadka asalkoodu yahay Afrika ee ku nool dalalka Kariibiyaanka iyo Baasifigga.
Madaxda ka qayb geli doonta shirka oo lagu qabanaya qaabka fogaan-aragga ayaa go’aan ka gaaraya kor u qaadidda wada shaqaynta dhow ee ka dhexaysa dadka asal ahaan ka soo jeeda Afrika ee ku nool gobollada Caribbean-ka iyo Baasifigga.
Qodobbada kale ee muhiimka ah ee looga doodi doono shirka waxaa ka mid ah maareynta deynta, maalgelinta horumarka, isdhexgalka dhaqaalaha, maalgashiga ganacsiga, isku xirnaanta gaadiidka iyo isdhexgalka siyaasadeed.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayaa dhanka kale sheegtay in natiijooyinka laga filayo inay shirka ka soo baxaan ay yihiin is weydaarsi ganacsi oo weyn, heshiis maalgashi iyo hab wadajir ah oo lagula tacaalayo cudurka sidoo kale isbeddelka cimillada.
Shir-madaxeedka ayaa la filayaa in laga soo saaro go’aammo istiraatiijiyadeed oo muhiim ah iyo tallaabooyinka looga hor tagayo saameynta cudurka COVID19 ee waddamada soo koraya iyo qaybsashada tallaalka xanuunka ee qaaradda Afrika iyo dalalka Caribbean-ka .