In ka badan 17 qof oo ku dhimatay rasaas dabaal deg ahayd oo ay rideen Taalibaan

0
329

Ugu yaraan 17 qof ayaa dhintay halka 41 kalena ay dhaawacyo soo gaareen ka dib markii ay rasaas dabaal deg ahayd oo ay meelo kala duwan oo caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul ka tirsan ka rideen dagaalyahanada Taalibaan.
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo baxeen warar aan xaqiiqo ahayn oo sheegaya inay Taalibaan la wareegeen dooxada Panjshir ee waqooyi bari ee caasimadda Kabul , sida ay mas’uuliyiinta caafimaadka u sheegeen wakaaladda wararka ee Anadolu ee dalka Turkiga.
Fiidnimadii Jimcaha waxaa la soo sheegay inay Taaliban ay kumannaan rasaas ah cirka u rideen gudaha magaalada Kabul, taasoo sii xoojisay mala-awaalkii ahaa inay qaabsadeen Panjshir oo ahaa gobolkii ugu dambeeyay ee aan weli gacanta u galin kooxdu.
Waxaa ayaa dhammaan beenoobay, maadaama uusan jirin sarkaal Taalibaan ka tirsan oo xaqiijiyay.
Sida laga soo xigtay ilo ka tirsan isbitaalo maxalli ah, 17 qof ayaa ku dhimatay rasaas aan kala sooc lahayn oo ay Taalibaan furtay, iyadoo 41 kale oo dhaawacmay loo qaaday isbitaallada si daryeel caafimaad loo siiyo.
Wararka ayaa intaa ku daraya inay Taalibaan warbaahinta u diiday inay galaan isbitaallada la dhigay dadka dhaawacyada ah.
Hoggaamiye sare oo ka tirsan Taalibaan laguna magacaabo Mawlavi Maxamad Yaquub Omaari, ayaa soo saaray fariin maqal ah oo uu uga digaya xubnaha Taalibaan cawaaqib xumada ka dhalan karta hab -dhaqanka noocaas ah.
Hadii Taalibaan ay la wareegto gobolka Panjshir, waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo ay dowlad ka dhistaan guud ahaan dalka Afghanistan maadaama ay horay u awoodi waayeen inay maamulaan gobollada waqooyiga Afghanistan oo ay ka mid yihiin Faryab, Sar-e Pul, Jawzjan, Balkh, Samangan, iyo Kunduz intii ay jirtay dowladdoodii ugu horreysay ee ay Taalibaan ka dhisaan wadanka Afghanistan ee sanadihii u dhaxeeyay 1996 ilaa 2001.
Kooxda Taalibaan ayaa la wareegtay inta badan 33 caasimad goboleed ee dalka Afghanistan iyadoo uusan dhiig ku daadan balse iska hor imaadyo xooggan ayaa ka socda gobolka Panjshir tan iyo markii ay wadankaasi isaga baxeen ciidamadii Maraykanka 31-dii bishii hore.