Musalia Mudavadi oo beeniyay in madaxweynaha uu cadaadis ku saaraya inay Raila taageeraan

0
558

Madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi oo ka mid ah hoggaamiyaasha isbeheysiga siyaasadeed ee OKA ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu mas’uuliyiinta mucaaradka cadaadis ku saaraya inay sanadka 2022-ka taageeraan Raila Odinga.
Waxaa uu xusay in ka hor doorashada guud ee sanadka dambe ay wada tashi la sameynayaan madaxweynaha iyo cid kasta oo u daneynaysa shacabka.
Mr. Mudavadi ayaa tilmaamay in shirarkii ay horay madaxweynaha kula yeesheen Mombasa iyo Nairobi looga wada hadlay arrimo qaran oo ay ka mid tahay mideynta kenyaanka.
Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee dalka ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Trans Nzoia sheegay in hadii madaxweynaha uu iskudayo inuu ku cadaadiyo inay musharrax madaxweyne oo gaar ah taageeraan ay weydiinayaan inuu la soo tashaday shacabka ay matalaan.