Ganacsadaha caanka ah Jimmy Wanjigi ayaa ku andacoonaya inuu jiro qorsha ay maleegayaan xisbiga ODM oo ay ku sameynayaan isreebreeb xilka madaxtinimada oo qarsoodi ah.
Waxaa uu ugu yeeray hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga inuu shacabka u daayo inay doortaan cidda ay doonayaan inuu noqdo qofka calanka u sidaayo xisbiga ODM doorashada guud ee sanadka dambe ee 2022-ka.
Mr. Jimmy oo xilka madaxtinimada u sharraxan ayaa sheegay in odayaasha iyo waxgaradka xisbiga ODM laga doonayo inay howlaha ka fariistaan si ay wadada ugu baneeyaan hoggaamiyaal cusub.
Waxaa uu ku celceliyay in ODM ay ka weecaneyso mabaadi’da dimuqraadiyadda hadii Mr.Odinga uu gacanta ku haayo cidda xilka madaxtinimada ku mataleyso xisbiga ODM.