Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa saxiixay islamarkaana amaray hay’adda FBI-da in ay kala shaandeyso dukumentiyada la xiriira weeraradii argagixiso ee dhacay 11-kii September ee sanadkii 2001-dii.
Weerarradaasi oo ayaa lagu qaaday daarihii mataanahaa ahaa ee lagu weeraray diyaaradaha ee magaalada Newyork.
Amarkan oo soo baxay shalay ayaa taageerro u ah qoysaska dhibbanayaashii weerarkaas oo muddo dheer raadinayay diiwaannada dhacdadaasi oo ay filayaan in laga heli doono ku lug ku yeelashada weerarkaas ee boqortoyada Sacuudiga.
Baaritaanno hore loo sameeyay ayaa lagu qeyxay in uu xiriirka ka dhexeeyay muwaadiniinta Sacuudiga iyo qaar ka mid ah afduubayaashii diyaaradihii weerarka lagu fuliyay, inkasta oo aan la xaqiijin in ay dowladda Sacuudigu wax lug ah ku laheyd.