Raila odinga oo sheegay inuu sameyn doono isbaheysi ballaaran

0
639

Hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa sheegay inuu samaynayo isbahaysi sal ballaaran oo mideyn doona Kenyaanka, islamarkaana ka caawin doona dalka inuu horumar gaaro.
Mr Odinga ayaa sidoo kale sheegay dadaalka la doonayo in lagu beddelo xeerka u degsan wadanka loogu tala galay in shacabka lagu mideeyo, si kheeyraadka loo wadaago si cadaalad ah.
Hadalkan ayuu jeediyay xilii uu wadahadal la yeeshay guddoomiyeyaasha ismaamullada kala ah Wycliffe Oparanya Kakamega, Wilbur Ottichilo Vihiga, James Ongwae Kisii, Wycliffe Wangamati Bungoma iyo Sospeter Ojaamong ee dowlad deegaanka Busia.
Waxaa uu siyaasiyiintaan ugu baaqay inay la shaqeeyaan xisbiga Jubliee iyo xisbiyada kale si dalka loo mideeyo.