TSC oo shaqada ka joojisay maamulaha dugsiga sare ee wiilasha Nakuru kadib markii uu ardayda ka qaaday lacago dheeraad ah

0
674

Guddiga Adeegga Macallimiinta dalka ee (TSC) ayaa shaqada ka hakiyay Maamulaha Dugsiga Sare ee Nakuru Boys Mike Yator kaas oo lagu eedeeyay in ardayda uu ka qaaday lacago dheeraad ah inta u dhaxaysa 2020 iyo 2021.
Warqad ku taariikhaysan 1 -da bishan September, 2021 oo uu ku saxeexan yahay agaasimaha TSC ee ismamaulka Nakuru Fredrick Ng’ang’a, ayaa sheegay in maamulaha iskuulka lagu eedeeyay in uu ka hor imaaday qaybta 29 ee xeerka waxbarashada aasaasiga ah ee Kenya.
Maamulaha eedeysan Yator, ayaa haysto 21 maalmood si uu isaga difaaco eedeymaha loo soo jeediyay.
Maamulaha ayaa sidoo kale laga doonaya inuu bishiiba hal mar iska xaadiriyo xafiiska ku-xigeenka TSC ee ugu dhow, si uu soo bandhigo caddeymo ka dhan ah kiiska loo heysto.
Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli wasiirka wasaaradda Waxbarashada ee dalka Professor George Magoha uu uga digay madaxda dugsiyada inay kordhiyaan lacagaha ama fiiska laga qaado ardayda ardayda.