Madaxweynaha dalka Mr Uhuru Kenya oo maalintii labaad ku sugan ismaamulka Nyeri ee gobolka bartamaha dalka ayaa kulan la qaadanayaa siyaasiyiin kala duwan si looga wada xaajoodo arrimo dhowr oo ay ka mid tahay warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Madaxweynaha ayaa saaka kulan la qaatay in ka badan shan kun oo wufuud ah.
Wafuudan oo maanta la kulmay Mr Kenyatta ayaa ka kala yimid 10 ismaamul oo ku yaala gobolka bartamaha dalka.
Waxaa looga warbixiyay faa’iidada laga dhaxlayo warbixinta BBI hadii la meelmariyo.
Tan ayaa imaaneysa ka dib markii wakiillada golayaasha hoose ee 10 ismaamul oo ku yaala gobolka bartamaha dalka ay wmadaxweynaha dalka u xaqiijiyeen inay meelmarin doonaan geddisocodka sharci beddelka ee warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Ismaamulladan ayaa kala ah Meru, Tharaka Nithi, Kirinyaga, Nyeri, Murang’a, Nyandarua, Kiambu, Laikipia iyo wakiillada golaha hoose ee Nakuru.