Waxaa maanta oo Jimco ah la kordhiyay mudada ay sii shaqeynayso xayiraadda dhanka isku socodka ee horay loo saaray gobolka Kashmiir ee India.
Tani ayaa timid ka dib markii dibadbaxyo ay dhex mareen ciidamada ammaanka iyo dad ka gadoodsan geerida hoggaamiye siyaasadeed oo goon u goosad ahaa.
Mas’uulka geeridiisu la soo tabiyay ayaa lagu magacaabi jiray Sayid Cali Geelani oo 92 sano jir ahaa.
Wararka ayaa intaa ku daraya in taageerada hoggaamiyahan ay ka caroodeen in loo diiday in la qabto aas ka dhacay meel fagaara ah.
Booliska ayaa dhankooda wiilka Geelani ku eedeyay inuu meydka aabihii qaaday saacado un ka dib saqdii dhexe ee xalay oo uu geeriyooday si loo aaso.