Wasaaradda caafimaadka oo rajeynaysa in xaaladaha COVID19 ay yaradaan

0
691

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa rajo ka muujisay in saddexda toddobaad ee soo socdo ay hoos u sii dhacaan xaaladaha maalinlaha ee cudurka COVID19.
Waxay wasaaraddu sheegtay in kiisaska caabuqa ay yaradeen isbuucyadii la soo dhaafay maadaama ay korortay tirada dadka ee qaadanaya daawooyinka tallaalka.
Sii hayaha xilka agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka dalka Dr. Patrick Amoth ayaa dhanka kale kenyaanka ugu baaqay inay si buuxda ugu hoggaansamaan xeerarka lagu xakameynaya faafitaanka cudurka.
Waxaa uu Dr. Amoth intaasi ku daray in baahida maalinlaha ee la xiriirta agabka bukaannada ka caawiyo neef qaadashada ee loo yaqaano oksijiinka ay tahay 1,000
Dhanka kale darasaad cusub oo ay iska kaashadeen qaybta madaxtooyada wadanka u qaabilsan istaraatiijiyadda ee (PASU) iyo hay’adda bixisa adeegyada dadweynaha dalka ee PS ayaa lagu ogaaday in cudurka COVID19 uu murugo ku sababay kala bar dadka qaangaarka ah.
Waxaa tani loo aaneeyay caqabadaha uu cudurku horseeday ee ay wajahayaan waalidiinta ama dadka mas’uulka ka ah dhallinyaradan.
Qaar ka mid ah waalidiinta ayaa waayay shaqooyinkii ay hayeen iyo ganacsiyadii ay noloshoodu ku tiirsanayd tani oo adkeysay taageeridda qoysaskooda.
Darasaadka waxaa ku xusan in boqolkiiba 75% ee dadka qaangaarka ah aynan saddex mar cunno helin maalinkii xaaladda dhaqaale awgeed.
Dhallinyarada qaar ayaa waxaa soo foodsaaray xanuuno saameeyay dhimirkooda.
Gudaha Kenya waxaa la qiyaasaa in mid ka mid ah 10-kii qof uu qabo cillad maskaxeed.