Martha Koome oo rajo ka muujisay in madaxweynaha uu magacaabi doono garsoorayaal uu ka tagay

0
388

Madaxa cadaaladda ee dalka Martha Koome ayaa sheegtay inay rajeynayso in madaxweynaha wadanka Uhuru Kenyatta uu dhawaan soo magacaabo 6 garsoorayaal oo ka mid ahaa liis horay loogu gudbiyay.
Waxay hoosta ka xarriiqay inay jiraan wada-hadallo socdo oo ku aaddan sidii arrinkan looga dhabeyn lahaa.
Mrs. Koome ayaa xilli ay saaka u warramaysay idaacadda Capital xustay inay ku kalsoon tahay in dhawaan xaakiinada la dhaarin doono
Bishii lixaad ee sanadkan ayay ahayd markii hoggaamiyaha dalka uu soo magacaabay 34 garsoorayaal oo qayb ka ahaa 41 magacyadoodu lala wadaagay oo mid ka mid ah uu geeriyooday.
Go’aanka madaxweynaha ayaa xilligaasi si wayn loo dhaliilay iyadoo sharci yaqaanada ay sheegen inuusan lahayn awood dastuuri ah oo uu ku kala saarayo magacyada loo gudbiyay.
Garsoorayaasha uu ka tagay madaxweynaha ayaa kala ah Aggrey Muchelule, George Odunga, Weldon Korir, Prof .Joel Ngugi ,Makori Evans Kiago iyo Judith Omange.