Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Dowladda oo ku qarashgareneysa 470 milyan suufka caadada la iskaga nadiifiyo

Dowladda oo ku qarashgareneysa 470 milyan suufka caadada la iskaga nadiifiyo

Dowladda ayaa dhaqaale dhan 470 milyan oo shilinka dalka ah u qoondeysay in ay ku soo iibiiso suufka ay gabdhaha isku nadiifiyaan xilliga dhiigga caadada.
Waxaa barnaamijkan ka faa’iidi doono 1.6 milyan oo gabdho ah oo dhigta dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare ee dowladda.
Barnaamijkan ayaa sidoo kale diiradda saari doono gabdhah fasalka lixaad ila sideedaad ee dugsiga hoose dhexe.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in barnaamijkan looga golleeyahay in lagu hubiyo in dowladdu ay si siman u bixiso waxbarasho tayo leh oo ku habboon wiilasha iyo gabdhaha iyada oo aan loo eegin xaaladahooda dhanka dhaqaalaha.
Waxaa uu intaa ku daray in dadaalkani uu gacan ka geysan doono kor u qaadista waxqabadka gabdhaha ee waxbarashada iyadoo kor loo qaadayo hankooda iyo sharaftooda iyo sare u qaadida waxbarista gabdhaha.
Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in suufka ay gabdhaha isku nadiifiyaan xilliga dhiigga caadada uu wanaajin doona caafimaadka gabdhaha, kuwaas oo inta badan adeegsada waxyaabo aan badbaado u lahayn caafimaadkooda taas oo u horseedi kara infekshin.
Prof. Magoha ayaa kula dardaarmay iskuullada inay sameeyaan wax walba oo ay awoodaan si ay u hubiyaan inuu jiro fayadhowr oo ku filan gabdhaha xilliga ay qabaan caadada oo ay dugsiyada ku suganyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments