Maxkmadda sare ee dalka oo diiday amar lagu joojinayo dhaarinta afar sarkaal oo ka mid noqonaya gudiga IEBC

0
573

Maxkamada sare ee dalka ayaa diiday inay soo saarto amar lagu joojinayo dhaarinta afarta sarkaal ee guddi IEBC dhawaan la magacaabay.
Garsoore Weldon Korir, oo amar soo saaray Khamiista maanta ah , ayaa xusay in dalku uu ku wajahan yahay doorasho.
Waxaa uuna carabka ku dhuftay in hadii uu dib u dhac ku yimaado dhaarinta sarlkaaladaas ay khatar ku tahay kenyaanka.
Garsooraha ayaa intaas ku daray in tani ay tahay maslaxada guud ee kenyaanka.
Iyadoo ay wax ka yar hal sano ka harsan tahay doorashada guud ee dalka ayaa gudiga doorashooyiinka ee dalka laga doonaya inay ku mashquulaan qorsheynta doorashada dalka ka dhici doonta sanadka xiga.
Magacaabista afarta sarkala ayaa kala ah; Juliana Cherera, Francis Mathenge, Irene Masit iyo Justus Abonyo .
Barlaamaanka dalka ayaana dhawaan ku guulaysatay turxaan bixintooda.