Siyaasiyiinta waqooyiga dalka oo ku dhawaaqay xisbi siyaasadeed

0
1003

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ismaamullada xoolo dhaqatada ee waqooyiga dalka oo uu hor kacaya wasiirka maaliyadda Ukur Yatani ayaa kulan ku yeeshay magaaladatani Nairobi.
Bayaan uu warbaahinta u akhriyay senatarka ismaamulka Garissa Cabdiqaadir Maxamad Yuusuf Xaaji ayaa lagu sheegay in wadatashi dheer ka dib ay aasaaseen urur loogu magacdaray UPYA oo ka shaqeyn doono danaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee reer guuraaga.
Waxaa bayaanka ku cad in dalladdan loo adeegsan doono in looga tashado qorshayaasha horumarineed iyo maalgalinta dhaqaale ee gobolka waqooyiga wadanka.
Cabdiqaadir Maxamad Yuusuf ayaa xusay in ururkan sidoo kale uu mideyn doono madaxda si xal loogu helo dib u dhaca horumarineed ee in ka badan 50 sano ka jiray ismaamulladan.
Madaxda ayaa hoosta ka xarriiqay inay taageerayaan qorshaha horumarka ee madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo heshiiskii taariikhiga ahaa ee uu sanadkii 2018-kii la yeeshay madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.