Madaxweynaha dalka oo wargeyska dowladda ku shaaciyay magacyada saraakiil ku biiraya IEBC

0
404

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa magacyada afar sarkaal oo ka mid noqonaya guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada wadanka ee IEBC waxaa uu ku soo daabacay wargeyska rasmiga ee dowladda.
Tani ayaa timid ka dib markii shakhsiyaadkan oo uu horay u soo magacaabay ay galinkii dambe ee shalay ansaxiyeen xildhibaanada baarlamaanka.
Saraakiishan ayaa kala ah Juliana Whonge Cherera, Francis Mathenge Wanderi, Irene Cherop Masit iyo Justus Abonyo Nyang’aya.
Waxaa shalay u codeeyay 58 ka mid ah xubnaha baarlamaanka ee ka qayb galay kal-fadhigii gaarka ahaa ee golaha ee shalay.
Saraakiishan ayaa buuxinaya jagooyinkii ay sanado ka hor iska casileen Roselyn Akombe, Margaret Mwachanya, Paul Kurgat iyo guddoomiye ku xigeenkii IEBC Consolata Maina .
Hasa ahaate waxay wararku sheegayaan in maxkamadda la geeyay dacwad looga soo horjeedo in la dhaariyo saraakiishan si gaar ah Irene Cherop Masit.
Nin lagu magacaabo Norneel Okello ayaa sheegaya in Irene ay sanadkii 2017-kii ka qayb gashay tartamadii xisbiga talada haya ee Jubilee uu ku kala xulanayay haween doonayay inay qabtaan xilka wakiilka dumarka ee ismaamulka Elgeyo Marakwet.
Garsoore Weldon Korir oo ka howlgalo maxkamadda sare ee dalka ayaa la filayaa inuu dacwadda loo gudbiyay go’aan ka soo saaro.
Hadii uunan tixgelin codsiga Okello, waxaa uu qorshuhu yahay in madaxa cadaaladda ee wadanka Martha Koome ay saraakiishan galabta dhaariso si ay u gutaan waajibaadka loo igmaday.