Kenya oo berri la soo gaarsiinaya tallaal dheeraad oo ka dhan ah COVID19

0
407

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in berri wadanka la soo gaarsiin doono daawooyin dheeraad ah oo lagula tacaalaya cudurka COVID19 gaar ahaan nooca loo yaqaano Johnson and Johnson
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda caafimaadka Susan Mochache ayaa sheegtay in daawooyinkan ay gaarayaan 393,000.
Waxay intaasi ku dartay in dowladda talada haysa ay la soo wareegayso tallaalkan iyadoo u marayso nidaamka wadamada qaaradda Afrika ay ku qaybsanayaan daawooyinka.
Mrs. Mochache ayaa xusay in Kenya ay midowga Afrika ku wareejisay 2 bilyan oo shilin oo lagu soo iibiyay daawooyinka berri wadanka la keenaya.
Sidoo kale toddobaadyada soo socdo ayaa la filayaa in Kenya ay hesho tallaal dheeraad oo ah noocyada Moderna iyo Sinopharm ee Shiinaha.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu qorshuhu yahay in ugu dambeyn dhammaadka bisha 12-aad ee sanadkan cudurka COVID19 laga tallaalo ugu yaraan 10 milyan oo kenyaan ah.