Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya 1.25 milyan Kenyaan ah oo laga tallaali doona Covid-19 ka hor bisha...

1.25 milyan Kenyaan ah oo laga tallaali doona Covid-19 ka hor bisha Lixaad ee sanadkan

In ka badan 1.2 milyan oo Kenyan ah ayaa lagu wadaa in laga tallaalo cudurka Covid-19 ka hor bisha Lixaad ee sanadkan, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalka.
Dowladda ayaa sheegtay in Kenya ay soo iibsan doonto 24 milyan oo xirmada tallaalka Covid-19 oo ay ka helayaan barnaamijka tallaalka adduunka oo lagu magacaabo COVAX iyo sidoo kale 11 milyan xirmo oo tallalkan ay ka heli doona shirkado kale ee soo saara daawooyinka.
Xoghayaha wasaaradda caafimaadka u qaabilsan dhanka maamulka Mercy Mwangangi ayaa sheegtay in dowladda ay qorsheynayso in ay cudurka ka tallaasho illaa 16 milyan oo qof muddo 18 bilood ah gudaheed.
Dowladda ayaa sameysay guddi howleed kormeera soo iibinta tallaalka Covid-19.
Kuwa ugu horreeya ee cudurka laga tallaali doona ayaa waxa ka mid ah shaqaalaha daryeelka caafimaadka ee safka hore kaga jira la tacaalidda cudurka Covid-19, wakiilada amniga, macalimiinta iyo kuwa ka shaqeeya guryaha daryeelka caafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments