Qaramada midoobay oo ka digtay dhibaato dhanka cunnada ah oo soo foodsaari karto Afghanistan

0
419

Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa soo saartay digniin ku aaddan in dadweynaha dalka Afghanistan ay wajihi karaan caqabad la xiriirta cunnooyinka la quuto.
Dhibaatadan ayaa laga cabsi qabaa inay dhacdo muddo bil gudaheed ah .
Wararka ayaa intaa ku daraya inay jirto saadaal ah in mid ka mid ah saddexdii qof ee ku nool Afghanistan ay macluul saameyn karto.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo kooxda Taalibaan ee bartamihii bishii hore la wareegtay hoggaanka dalkaasi ay ku dadaalayso inay soo dhisto maamul cusub.
Isku duwaha arrimaha baniadanimada ee Afghanistan Ramiz Alakbarov ayaa sheegay in xaaladu ay aad u adag tahay.
Waxaa uu intaa ku daray in kala bar tirada carruurta Afghanistan aynan hubin inay hal mar wax ka badan helayaan cunno.