Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa maamulayaasha dugsiyada sare uga digay inay diidaan diiwaangelinta ardayda doonaya inay ku biiraan fasalka koowaad balse caqabado wajahaya.
Waxaa uu wasiirku amray in ardayga la qaabilo xita hadii uunan soo dhameystiran qarashaadka dugsiyada lagu dhigto sidoo kale hadii uunan haysan dareeska ardayda.
Prof.Magoha ayaa carrabka ku adkeeyay in aynan jirin caqabad loo cuskan karo inaan si buuxda loo dhaqangelin qorshaha dowladda dhexe ee ah in ardayda dhameeyay dugsiyada hoose dhexe ay u gudbaan heerka xiga ee waxbarashada.
Wasiirka ayaa waalidiinta kula taliyay inay warbixin u gudbiyaan hadii maamulaha dugsigu uunan amarkan u hoggaansamin.