Weerar ka dhacay bariga dalka Congo

0
726

Dad badan ayaa laga cabsi qabaa inay dhinteen ka dib weerar gaadmo ah oo lagu qaaday kolonyo gaadiid ah wadanka Congo.
In ka badan 10 baabuur ah ayaa la gubay weerarka maanta ka dhacay bariga Congo.
Ilaa iyo hadda lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay weerarka iyo sido kale ma jirto koox si deg deg ah u sheegatay wallow loo malaynayo kooxda ADF oo weeraro badan dad ku dhinteen ka fuliyay wadanka Congo.