IPOA iyo waaxda dacwad oogidda oo diiday in la soo saaro meydadka wiilashii lagu dilay Embu

0
643

Maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliska ee IPOA iyo waaxda dacwad oogidda dalka ayaa ka soo horjeestay in la soo saaro meydadka labo wiil oo walaalo ahaa oo horay loogu dilay ismaamulka Embu.
Tani ayaa timid kadib markii 6 sarkaal oo boolis ah oo lagu eedeyay inay dilkaasi ka dambeeyeen ay iska beeniyeen.
Ciidamada ayaa sheegay in wiilasha ay iska tureen baabuur si xowli ah u socday ka dib markii loo xiray inaynan u hoggaansamin amarka bandowga habeenkii.
Hasa ahaate IPOA iyo ODPP ayaa sheegay in hadii la tixgeliyo codsiga eedeysanayaasha ay murugo dheeraad ah ku beermayso qoyska wiilashan oo ku nool xaafadda Kianjokoma ee Embu.
Wiilasha ayaa lagu kala magacaabi jiray Benson Njiru oo 22 iyo Emmanuel Mutura oo 19 sano jir ahaa.