Madaxweynaha Mareykanka oo difaacay go’aankii ciidamadiisa uga saaray Afghanistan

0
516

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in ka bixitaankii ciidamadiisa ee dalka Afghanistaan ay tahay fursadda ugu wanaagsaneyd oo uu kusoo afjaro howlgalkii militeri ee ugu dheeraa.
Waxaa uu intaa ku daray in fursadda kale ay noqoneyso in dagaalka dib loogu laabto.
Khudbad uu jeediyay Mr Biden ayuu sheegay s in Mareykanka uusan u baahnayn ciidamo dhulka Afghanistan sii jooga si ay isku difaacaan.
Hadalka madaxwenaha dalka Mareykanka ayaa kusoo aaday maalin uun ka dib markii uu dhammaaday 20 sano oo ciidamadiisa jogeyn dalka Afghanistan.
Ciidamada uu Maraykanku hoggaaminayaya ayaa galay wadanka Afghanistan sannadkii 2001-dii, iyagoo ka saaray Taliban wixii ka dambeeyay weeraradii dhacay 11-kii bishii sagalaad ee lagu qaaday daarihii mataanaha ee magaalada Newyork.
Kooxda Taalibaan ayaa markii labaad la wareegtay talada dalka Afghanistan islamarkaana ay u dabaal deggeen guushooda.
Waxaa ay sheegeen in Afghanistan ay ugu dambayntii tahay dal xor ah oo madax bannaan.
Afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa sheegay in guushoodu tahay inay cashar u noqoto Mareykanka.