DHAGEYSO:Matiang’i :Ma jirto khatar amni oo uu wajahaya madaxweyne ku xigeenka dalka

0
713

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i oo maanta ka soo hormuuqday guddiga baarlamaanka ee qaabilsan amniga iyo maamulka ayaa sheegay in ilaalo ku filan la siiyay madaxweyne ku xigeenka wadanka William Ruto.
Tani ayaa timid ka dib markii dood ballaaran ay ka dhalatay isbeddel dhawaan lagu sameeyay ciidamadii ilaalinayay hooyga Ruto ee xaafadda Karen magaalada Nairobi.
Wasiirka oo ay wehelinayeen xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Karanja Kibicho iyo abaanduulaha booliska Mr. Hillary Mutyambai, ku xigeenadiisa kala ah Edward Mbugua iyo Nuur Gaaboow ayaa sheegay in 257 sarkaal oo boolis ah loo xilsaaray inay ilaaliyaan hoggaamiyaha labaad ee Kenya.
Matiangi ayaa ka jawaabayay sababta keentay in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee GSU-da lagu beddelo booliska maamulka ee loo yaqaano AP-da.
Wasiirka ayaa xubnaha guddiga ammaanka ee baarlamaanka u sheegay in saraakiisha GSU-da aan gebi ahaanba laga saarin ilaalada Ruto.
Tallaabada ay dowladda qaaday ayuu Dr. Matiangi ku sheegay isbeddel iska caadi oo dhanka ammanka ah.
Waxaa uu wasiirku ku celceliyay in ilaalada gaarka ah ee madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto aan wax isbeddel ah lagu sameyn oo ay ilaaliyaan ilaa 74 sarkaal.
Wasiirka ayaa xusay in isbeddelka dhacay la sameeyay ka dib wadatashi ay yeesheen waaxyaha amniga ee wadanka.
Sidoo kale wasiirka ayaa xusay in hooyga rasmiga ee madaxweyne ku xigeenka dalka ee xaafadda Karen loo baahan yahay in si rasmi ah loogu soo daabaco wargeyska dowladda inuu la mid yahay madaxtooyo yar si ay ku suuragasho inay ilaaliyaan ciidamada GSU-da.
Shalay ayay ahayd markii madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto uu arrin aan muhiim ahayn ku tilmaamay in wasiirka arrimaha gudaha loo yeeray si wax looga weydiiyo isbeddelka lagu sameeyay ilaalada hooygiisa.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in uunan wax dhib ah ku qabin qaybta saraakiisha ammaanka ee ilaaliyo sidaas awgeedna aynan habbooneyn in arrintan lagu mashquulo.