Taalibaan oo dabaal degaysa ka dib markii Maraykanka uu ciidamadiisa ka saaray Afghanistan

0
535

Dowladda Maraykanka ayaa 20 sano ka dib ugu dambeyn ciidamadeeda kala baxday gudaha wadanka Afghanistan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo qorshihii horay loo dejiyay ee arrinkan ku aadanaa uu maanta ku egyahay.
Kooxda Taalibaan oo bartamihii bishan la wareegtay maamulka Afghanistan ayaa dhankeeda sheegtay inay u dabaal degayso madax bannaani.
Taalibaan ayaa soo dhaweysay ka bixitaanka ciidamada Maraykanka ee Afghanistan waxayna ku tilmaantay xilli taariikhi ah oo uu wadankaasi si buuxda u xoroobay.
Dagaalyaahanada kooxdan ayaa lagu soo warramayaa inay rasaas rideen iyagoo farxad muujinaya.
Taliyaha ciidamada badda ee Maraykanka Frank McKenzie ayaa xaqiijiyay in saraakiisha dalkaasi ay gebi ahaan ka waregeen Afghanistan.
Waxaa uu sidoo kale shaaciyay in la soo afjaray daadgureyntii muwaadiniinta Maraykanka ee socotay maalmihii la soo dhaafay.