Hoggamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi islamarkaana taageero weyn u ah kooxda kubadda cagta ee AFC Leopards oo ka ciyaarta horyaalka dalkani Kenya ayaa waxa u dowladda ku boorriyay in taageerayaasha kooxaha cayaartooyda ay u ogolaato inay dib ugu soo laabtaan garoomada in kastoo tiro kooban loo ogol yahay in ay u soo daawasho tagaan kulamada laga ciyaaro horyaalka dalka ee KPL.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Musalia Mudavadi ayaa codsigan diray xilli u shalay marti galiyay ciyaartooyda kooxda AFC Leopards oo qado sharaf loogu sameeyay huteelka Ole Sereni ee magaaladatan Nairobi.
Waxaa uu u balanqaaday in kooxda uu ku garab istaagi doona taageera maaliyadeed kaddib markii cudurka COVID-19 uu saameyn ku yeeshay dakhligooda .
Wasaaradda cayaaraha ee dalka ayaa ka mamnuucday taageerayaasha in ay galaan garoomada tan iyo markii kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Covid-19 dalka laga xaqiijiyay bishii Maarso ee sanadkii hore, taas oo qayb ka ahayd tallaabooyinka looga hortagayo faafitaanka cudurka.
Madaxa xisbiga ANC ayaa dhanka kale sheegay in dowladda oo garoomada u ogolaato ugu yaraan 3,000 oo taageerayaal ah koox kasta xilliga ay labo koox ay wada cayaarayaan ay ka dhigan tahay in 6,000 taageerayaal ay u soo daawasho tagaan kulan kasto si kooxaha ay u helaan awood dhaqaale oo ay kaga soo kaban karaan saameynta cudurka Covid-19