Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa sheegay inaysan muhiimad gaar ah u lahayn ciidamada isaga ilaaliyo hadii ay yihiin booliska qaabilsan maamulka ee AP-da ama saraakiisha sida gaarka ah u tababaran ee GSU-da.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuunan wax dhibaato ah ku qabin hadii ciidamada loo wareejiyo meel kale oo ay amniga sugayaan.
Ruto ayaa hoosta ka xariiqay in aan loo baahneyn in la kala qaybiyo ciidamada ammaanka siyaasad awgeed.
Waxaa uu ku celceliyay inay lagama maarmaan tahay in mudnaanta koowaad la siiyo xallinta caqabadaha ay Kenyaanka wajahayaan oo ay ka mid tahay shaqo la’aanta.