Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayaa sheegtay in qaab muuqaal ah uu wareegii saddexdaad oo wada -hadal ah dhex maray Kenya iyo Pakistan.
Waxaa mas’uuliyiinta dowladda Kenya shirkan ku matalay hoggaaminayay xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda Macharia Kamau.
Shirkan waxaa ka qayb galay xoghayaha arrimaha dibadda ee Pakistan Sohail Maxamuud.
Ujeedada laga lahaa ayaa lagu sheegay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah eek u saleysan saaxibtinimo iyo iskaashi.