Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro Sagana oo ka tirsan ismaamulka Nyeri halkaas oo uu afar cisho ku sugnaan doono.
Mr. Kenyatta ayaa la filayaa inuu xariga ka jaro mashaariic horumarineed oo dhowr ah sidoo kalena uu indha-indheeyo kuwo hadda gacanta lagu hayo.
Hoggaamiyaha dalka ayaa kulamo la qaadan doono wakiillada golayaasha hoose ee ismaamullada gobolka bartamaha dalka ka hor inta uunan la kulmin siyaasiyiinta kale iyo shacabka gobolka bartamaha dalka waxayna ka wada hadlayaan barnaamijyada horumarineed ee dowladda sida wax soo saarka, guriyeynta , caafimaadka iyo la tacaalidda cunno yarida.
Sidoo kale waxaa uu qorshuhu yahay in shirarka kala duwan lagu soo qaado arrimaha sharci beddelka ee BBI ,la dagaalanka cudurka COVID-19 iyo wax ka beddelka manhajka tacliinta ee dalka.
Afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House Kanze Dena Mararo oo warfidiyeenka kula hadashay Sagana ayaa faahfaahin ka bixisay socdaalka madaxweynaha iyo qorshaha arrinkan ku aaddan.
Mrs. Dena ayaa sheegtay in madaxweynaha dalka uu waalidiinta kaga mahadcelinaya inay carruurtooda dib ugu celiyeen dugsiyada dalka oo la furay 4-tii bishan ka dib saameyn uu howlaha waxbarashada ku yeeshay cudurka COVID-19.
Waxaa uu Mr. Kenyatta xusay in maamulka talada haya ee Jubilee uu sameynaya wax kasta oo suuragal ah si ardayda ay casharrada ugu qaataan ,imtixaannada qaranna loogu sameeyo jawi deggan iyadoo uu jiro cudurka COVID-19.
Sida ay sheegtay afhayeenka madaxtooyada , hoggaamiyaha wadanka ayaa waalidiinta ay gabdhahooda ardayda ah uurka qaadeen xilligii ay dugsiyadu xirnaayeen u xaqiijiyay in marka ay umulaan ka dib ay waxbarashadoodu sii wadan doonaan
Madaxweynaha dalka ayaa sidoo kale si dhow ula socdo dhacdooyinka lagu gubay qaar ka mid ah dugsiyada waxaa uuna wasaaradda tacliinta ku amray in ay si qoto dheer u eegto sababta ka dambeysa in ardayda ay dab qabadsiiyaan qaybaha xarumaha waxbarashada sidoo kalena xal kama dambeys ah laga soo saaro arrinkan.
Kanze Dena Mararo ayaa xustay in madaxweynaha uu shacabka u xaqiijiyay inuu jiro qorsho lagu wanaajinayo dhaqaalaha dalka ee uu saameeyay cudurka COVID-19 sidaas awgeedna uu dadweynaha ka codsanaya in ay dulqaad muujiyaan iyadoo dowladdu ay dadaalayso