Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa sheegay in uusan eed ku lahayn burburka geedi socodkii wax looga bedeli rabay dastuurka ee BBI.
Madaxweyne ku -xigeenka ayaa sheegay in hannaankan uusan tixgelin fikradaha inta badan Kenyaanka oo uu isagu ka mid yahay.
Dr. Ruto ayaa sheegay in uusan khald lahayn haddii maxkamada ay raacday mowqifkiisa ahaa in khaladad dastuuri ah uu ku jiro BBI.
Ruto wuxuu intaas ku daray in haddii dadka u ololeeynayay BBI ay dhegeysan lahaayeen arrimaha uu soo jeediyay, uu geedi socodkaasi ahaan lahaa mid taageero ka hela dhamaan dhinacyada.