Imaaraadka oo 28,000 oo qof ka daadgureeyay Afghanistan

0
498

Dowladda dalka isutagga imaaraadka carabta ee UAE-da ayaa wadanka Afghanistan ka daadgureysay 28,000 oo ruux tani iyo markii dalkaasi ay la wareegtay kooxda Taalibaan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo wadamada reer galbeedka ay ku dadaalayaan inay Afghanistan ka saaraan muwaadiniintooda iyo dibloomasiyiinta ka hor dhammaadka bishan.
Waxaa 31-da bishan ku eg xilliga kama dambeyska ah ee loo qabtay Maraykanka iyo gaashaanbuurta NATO inay 20 sano ka dib ciidamadooda kala baxaan gudaha wadankaasi.